Beledweyne,(insidesomalia.org)- Abaare Saacaddu markey aheyd xalay 1:00 am waxaa mar kaliya laga wada maqlay Xaafadaha Magaalada Beledweyne Qarax aad u weyn oo ka dhashay Miino xalay Kooxaha ka soo horjeeda Ciidamada Itoobiya ku xireen goob ganacsi oo ku taala Magaalada Beledweyne.
Goobta la qarxiyay oo ka koobneyd dukaan lagu iibiyo Albaata Bagaashka iyo Foorno lagu sameeyo Rootiga ayaa ka hor inta aan la qarxin waxaa lagu amray dadkii xiligaa ku jiray in ay dibadda u soo baxaan, iyadoo intaas kadibna mar kaliya la maqlay dhawaaqa Qaraxa oo ahaa mid maalmihii aynu soo dhaafnay aan horay u soo marin Magaalada Beledweyne.
Xasan Shekh oo ah Milkiilaha goobta xalay Miinada lagu qarxiyay ayaa sheegay in uusan garaneynin sababta arinka uu udhacdey, laakiin laga yaabo ayuu yiri in ay jiraan dad u heystay goobtiisa ganacsi in ay ku xiran yihiin Ciidamada Itoobiyaanka taasoo ah ayuu yiri arin aan waxba ka jirin.
Saaka markii uu waagu baryay ayaa waxaa isugu soo baxay goobta xalay Qaraxu ka dhacay dadweyne qaarkood si weyn uga murugeysnaa burburka ku dhacay hantidii halkaas tiilay, waxaana xusid mudan in markii xalay la maqlay dhawaaqa qaraxa dhacay dadku intiisa badan u qaatay in uu bilowday dagaal u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda.
Si kataba arrintu ha ahaatee, wali waxaa ka soconaya gudaha Magaalada barakaca dadka rayidka ah, kuwaas oo shaki iyo cabsi xoog leh ka qaba waxyeelo ka soo gaarta haddii uu dhaco dagaal udhaxeeya dhinacyada iska soo horjeeda.